Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhacdadii maanta oo laga ogaaday farqiga u dhaxeeya ciidanka Ahlu-Sunna iyo DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Ahlu Sunna gaar ahaan kuwooda loo yaqaan Al-Ashcariya ayaa ku guuleystay inay qabtaan nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayey inuu isku qarxiyo Xaflad ay lahaayeen Ahlu Sunna Wal-Jameeca taasoo loogu dabaal dagayey 10 sano guuradii kasoo wareegatay markii Al-Shabaab laga saaray Guriceel iyo Dhuuusamareeb.

Arrintaan ayaa hadal heyn weyn ka dhalisay Baraha Bulshada iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Su’aalaha ugu badan ee la is waydiinayo ayaa waxaa kamid ah sababta aysan Ciidamada Dowladda ugu suurtagelin inay ka hor tagaan qaraxyada ay Al-Shabaab soo maleegaan, iyadoo la ogyahay in Ciidamada Dowladda ay tiro ahaan iyo tababarka ay qaataan ka badan yihiin kuwa Ahlu Sunna Wal-Jameeca ee ku sugan Deegaanada Galgaduud.

Dadka Falanqeeyo arrimaha Ciidamada ayaa aamisan in Sababta ay Ciidamada Ahlu Sunna uga tayo fiican yihiin kuwa Dowladda marka laga hadlayo u babac dhigista Kooxda Al-Shabaab ay sabab u tahay waxyaabaha soo socdo:

1) Caqiiqada

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay inaysan laheyn caqiido diin iyo mid waddan, taasina ay keentay inaysan iska celin kooxda Al-Shabaab ee ciidamadeeda kusoo tababartay inay janada galayaan haddii ay ku dhintaan dagaalka.

Waxaa taas tusaale kaaga filan in Ciidamada Dowladda intooda badan aysan dukan, cibaadeysan, sidoo kalana waxaa arkeysaa iyadoo Bishii Ramadaan lagu jiro wax iska cunayo biyana cabayo.

Ciidamada Dowladda intooda badan waa kuwa markii horeba ciidanka u galay markii ay waayeen wax kale oo noloshooda waxtar u leh oo ay qabtaan, maadaama aysan sumcad ku dhex lahayn bulshada, oo ay ahaan jireen maleeshiyo daadka dhaca. Sidoo kale kuma xirno Alle, sababtoo ah aad ayey u yar tahay weliba dadka way yaabaan markay arkaan askari ka tirsan Dowladda oo dukanayo, taasna waa qeyb weyn oo kamid ah nasiib darada heysato Ciidamada Dowladda.

Macquul maahan in Askari aan Alle ku xirneyn, og inuusan wax fiican sii hormarsan uu ogolaado inuu dhinto ama uu isku dhigo nin rabo inuu is qarxiyo sababtoo ah wuxuu ogyahay waxa ka horeeyo inaysan aheyn wax fiican marka la hor tago Alle Subxaanahu Watacaalaa.

Taas badalkeeda Ciidamada Ahlu Sunna u diiwaan gashan waa Xirtii kitaabada ku raacanayey Galgaduud ee loo diiday inay cidaabeystaan sidaasna go’aan ku gaaray inay isaga celiyaan Al-Shabaab taasina ay keentay inay Al-Shabaab cabsi iyo walweli dareemaan marka ay wajahayaan Ciidamada Ahlu Sunna oo u dagaalamayo Caqiido ah inay Janada Galayaan.

Ciidamada Ahlun Sunna intooda badan marka aad aragto waxaa ka muuqato Sunada, halka Ciidamada Dowladda ay wajiyadooda yihiin kuwa Mugdi iyo Madow ah taasina ay sabab u tahay cidaabo la’aanta.

2) Maandooriyaal

99% Ciidamada Dowladda waxay isticmaalaan Maandooriyaasha qeybahooda kala duwan, taasina waxay keentay inaysan laheyn wax mas’uuliyad ah oo ay iska saarayaan Dalka iyo Dadka Shacabka ah.

Halka Ciidamada Ahlu Sunna intooda badan amaba dhammaantood aysan isticmaalin maandooriye taasna ay ka saaciday inay si niyad ah uga hor tagaan Kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ku guuleystaan inay nabad ka dhigaan Guriceel iyo Dhuusa Mareeb oo la ogyahay in Al-Shabaab dhiig badan looga daadiyey,

Ugu dambeyntii si ay ciidamada Dowladda u noqdaan kuwa u diyaarsan iska celinta Al-Shabaab iyo xreynta Soomaaliya waa in marka hore laga dhiso Caqiiqada isla markaasna lasoo saaro Ciidamo ku xiran Alle kana soo baxo waajibaadka uu Alle saaray ee lagu adoonsaday.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this