Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Oo Maanta Meel Mariyay Labo Hindise Sharciyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka.

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this