Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Halkuu ka yimid ninkii isku qarxin rabay Ahlu-Sunna ee maanta la qabtay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimada Online) – Kadib markii Maanta barqadii degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay nin doonayay in uu is qarxiyo xilli ay halkaasi Munaasabad ka socotay ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay falkaasi Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in Ninkaasi xilliga la qabanayay uu dalbaday in khudbad gabay ah uu ka jeediyo musaasabada loogu baroor diiqayay askartii ku geeriyootay dagaalkii sanado ka hor Ahlu-Suna iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Galgaduud, hase yeeshee Ciidamada ay ka shakiyeen.

Waxa uu sheegay in markaas kadib mid ka mid ah askarta uu baaritaano ku sameeyay, intaasi kadibna lagu arkay waxyaabaha qarxa sidaasina lagu qabtay loogana furfuray qarixii ku xirnaa.

Mar Wasiirka wax laga weeydiiyey halka Ninkaasi uu ka yimid ayuu sheegay in uu ka yimid dhinaca Koonfurta Soomaaliya, balse haatan degmada Guriceel uu kasoo galay dhinaca degmada Ceebuur ee isla Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in ninkaasi baaritaano dheeraad ah lagu haayo, isla markaana saacadaha soo socda Warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Saadaq-Sheekh-yuusuf-Ibarahim.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this