Sign in to follow this  
Deeq A.

Halis amni oo soo foodsaartay ardayda gelaysa imtixaanka Shahaadiga dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii uu fashilmay Imtixaankii Shahaadiga aha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa mar kale halis amni soo foodsaartay ardayda Soomaaliyeed ee gelaysa imtixaanka ku celiska ah ee dowladda.

Qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho oo carruurtoodu mar kale u fariisanaya imtixaanka wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ayaa waxaa la soo dersay cabsi iyo walwal ku aaddan in qaraxyo waaweyn lala beegsado goobaha ardaydu ku gelayaan imtixaanka shahaadiga ah.

Waalidiintaan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin ammaanka carruurtooda markii ay galayaan imtixaanka dowladda 27-ka May ee sanadkaan 2019 kadib markii ay kordheen qaraxyada Al-Shabaab.

Dhowr xarumood oo lagu galayo imtixaanka dowladda ayaa halis ugu jira weeraro argagixiso, waxaana qaarkood ku bur bureen qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Dugsiga Sheekh Yuusuf Al-kowneyn, Iskuulka Sheekh Xasan Barsane iyo xarunta Jaamacadda City oo ku dhow taalada Daljirka Daahson, Iskuulka Yaasiin Cusmaan oo ku yaala nawaaxiga Xaawa Taako iyo Xarunta Jaamacadda umadda oo ku dhow Ex Baarlamaan oo dhamaantood imtixaanka Dowladda lagu galo ayaa todobaad gudahiis la wareeray goobo ka agdhow, waxaana laga cabsi qabaa in Al-shabaab mar kale weerarro ismiidaamin ah ku qaaddo.

Sidoo kale, Iskuulka Finti UNA Oktoobar oo ku yaala degmada Waaberi iyo Iskuulka Fifteen May ayaa kamid ah goobaha ay cabsida ka jirto oo dhowaan la qarxiyay xarunta degmada ee u dhow. Waxaa jira gooba kale oo iyana bar tilmaameed noqon kara nawaaxigooda oo halis gelin kara amaanka ardayda Soomaaliyeed.

Sanad ka hor ayaa qaraxyo ka dhacay meel u dhow Ex Baarlamaan iyo Wasaaradda Batroolka Soomaaliya waxaa ku dhintay macalimiin iyo arday kuwaasi oo ku jiray imtixaanka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilantay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana sii kordhaya qaraxyada iyo dilalka Al-Shabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho oo meel kasta dhagxaan lagu jiray iyo goobaha qaar oo Ciidamo la fariisiyay.

PUNTLAND POST

The post Halis amni oo soo foodsaartay ardayda gelaysa imtixaanka Shahaadiga dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this