Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo cambaareysay weerarkii fashilmay ee Somaliland ku qaadday wasiirka Waxbarashada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa cambaareysay weerar fashilmay oo ciidamada Somaliland ay ku soo qaadeen wasiirka Waxbarashada Puntland xilli uu ku sugnaa degaanka Damalla Xagarre oo ka tirsan degmada Ceerigaabo isagoo kormeer ku samaynayay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo degaankaasi ka socday.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha xukuumadda Puntland ee maanta ayaa lagu cambaareeyay weerarka ay ciidamada Hargeysa ku soo qaadeen degaanka Damalla Xagarre si ay khalkhal u geliyaan qabsoomidda imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland wakhtigaasi socday.

Xukuumadda Puntland ayaa bogaadisay kaalinta mugga leh ee shacabka degaanka Damalla Xagarre ay ku garab istaageen wefdiga wasiirka Waxbarashada Puntland islamarkaana ay ku fashiliyeen weerarkii Somaliland ku soo qaadday wasiirka Waxbarashada Puntland.

Sidoo kale xukuumadda Puntland ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay dhammaan ardayda reer Puntland oo maanta uu si guul ah ugu soo dhammaaday imtixaanka shahaadiga ah iyadoo bogaadisay wasaaradda waxbarashada iyo laamaha amniga ee ka qeyb qaatay sugidda amniga imtixaanka.

SHAHAADU.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo cambaareysay weerarkii fashilmay ee Somaliland ku qaadday wasiirka Waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this