Deeq A. Posted May 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceyneysa ciddii ka dambeysay weeraradii gantaalada ee lala beegsaday Magaalada Makka Al Mukarama ee dalka Sacuudi Carabiya. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxa ay caddeyneysaa in beegsiga Xaramka ee xurmadda leh uu yahay mid daan daansi ah oo aan la aqbali karin . Xukuumadda Soomaaliya waxa ay muujineysaa in weeraradaasi gantalada ah ay u aragto fal dembiyeed iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobaha barakaysan. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadiyeen Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May. Labadaasi gantaal waxaa kii u horeeyay lagu qarxiyay hawada Magaalada Dhaa’if,kaas oo ku jiheysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay hawada Magaalada Jidda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites