Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa sidee xaaladda dadkii uu saameeyay Qaraxii shalay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qoysas Danyar ah oo degan wasaaraddii hore ee Caafimaadka Soomaaliya ayuu saameeyay qaraxii shalay ka dhacay nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon ee degmadda Boondheere.

Dadkan oo ah kuwo ay hooseyso noloshoodu ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in ay dhibaato ka soo gaartay Qaraxii shalay, kadib markii ay dad badan kaga dhaawacmeen, islamarkaana ay Guryihii ka burbureen.

Dowladda Soomaaliya iyo Hey’addaha Gargaarka ayey ka codsadeen in ay  la soo gaaran Gurmad iyo Kaalmo kala duwan.

Qaraxyadda Ka dhaca magaaladda Muqdisho inta badan waxaa ay saameyn ku yeeshan Nolaoha dad danyar ah.

Qaraxii shalay waxaa ku dhintay Tobanaan Ruux, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen

Dadka Geeriyooday waxaa ku jiray Saraakiil Ciidan iyo Madax horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this