Deeq A. Posted May 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Qoysas Danyar ah oo degan wasaaraddii hore ee Caafimaadka Soomaaliya ayuu saameeyay qaraxii shalay ka dhacay nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon ee degmadda Boondheere. Dadkan oo ah kuwo ay hooseyso noloshoodu ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in ay dhibaato ka soo gaartay Qaraxii shalay, kadib markii ay dad badan kaga dhaawacmeen, islamarkaana ay Guryihii ka burbureen. Dowladda Soomaaliya iyo Hey’addaha Gargaarka ayey ka codsadeen in ay la soo gaaran Gurmad iyo Kaalmo kala duwan. Qaraxyadda Ka dhaca magaaladda Muqdisho inta badan waxaa ay saameyn ku yeeshan Nolaoha dad danyar ah. Qaraxii shalay waxaa ku dhintay Tobanaan Ruux, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen Dadka Geeriyooday waxaa ku jiray Saraakiil Ciidan iyo Madax horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites