Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo booqday Qabriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegey Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixyey booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Qabriga naxariistii Jano Alle hasiyee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu booqday Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ku wehelinayey socdaalkiisa ay u duceeyeen in Alle Janadii Fardowso ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, acmashiisii wanaagsanayd iyo Dhitadii uu uga tegey dalkiisana ku abaal mariyo” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani.

1-6.jpg?w=1000&ssl=1 3-3.jpg?w=1000&ssl=1 2-3.jpg?w=1000&ssl=1 4-4.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Deni oo booqday Qabriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this