Sign in to follow this  
Deeq A.

Waalidiinta carruurtooda ay galayaan imtixaanka DF oo cabsi amni ay soo food-saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho islamarkaana carruurtooda mar kale u fariisanaya imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa qaba walaac xoog leh oo dhanka ammaanka ah.

Waalidiintaan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin amaanka carruurtooda markii ay galayaan imtixaanka Dowladda 27-ka May ee sanadkaan 2019 kadib markii ay kordhayn qaraxyada Al-Shabaab.

Dhowr xarumood oo lagu galayo imtixaanka Dowladda Soomaaliya ayaa halis ugu jira weeraro waxayna qaarkood ku bur bureen qaraxii ugu dambeeyay waana sababta keentay in ay waalidiinta walaac muujiyaan.

Dugsiga Sheekh Yuusuf Al-kownayn, Iskuulka Sheekh Xasan Barsane iyo xarunta Jaamacadda City oo ku dhow taalada Daljirka, Iskuulka Yaasiin Cusmaan oo ku yaala agagaarka Xaawa Taako, Xarunta Jaamacadda umadda oo ku dhow Ex Baarlamaan oo dhamaantood imtixaanka Dowladda lagu galo ayaa todobaad gudahiis la wareeray goobo ka agdhow, waxayna waalidiin badan qabaan in mar kale la wareero.

Sidoo kale Iskuulka Finti Una Oktoobar oo ku yaala degmada Waabari iyo Iskuulka Fifteen May ayaa kamid ah goobaha ay cabsida ka jirto oo dhawaan la qarxiyay xarunta degmada oo u dhaw. Waxaa jira goobo kale oo sidaan oo kale bar tilmaameed noqon kara nawaaxigooda oo halis gelin kara amaanka ardayda Soomaaliyeed.

“Halis amni ayaa jirta goobaha imtixaanka lagu galayo waa meelo dhowr jeer ay weeraro ka dhaceyn, hadii ay wax dhacaan ardayda wixii ka badbaada waa sasayaan” ayey tiri Haweeney wiilkeeda uu sanadkaan imtixaanka Dowladda galayo.

Sanad ka hor ayaa qaraxyo ka dhacay meel u dhaw Ex Baarlamaan iyo Wasaaradda Batroolka Soomaaliya waxaa ku dhintay Macalimiin iyo Arday kuwaas oo ku jiray imtixaanka Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guul dareysatay sugidda amaanka magaalada Muqdisho, waxaana sii kordhaya qaraxyada iyo dilalka Al-Shabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho oo meel kasta dhagxaan lagu jiray iyo goobaha qaar oo Ciidamo la fariisiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this