Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo qabatay nin rabay in uu Ismiidaamiyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Guriceel (SMN): –Munaasabad weyn oo loogu duceynayey Askartii Ahlu sunna Waljamaaca ee ku geeriyootay Dagaaladii Al Shabaab iyo Ahlu Sunna ee Goboladda dhexe ayaa Maanta ka dhacday Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Xafladan ayaa waxaa Dhoolatus Militari ku soo Bandhigay Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladgoboleedka Galmudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu kamid yahay Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka qeyb galay Xafladaasi.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa uduceeyay  Ciidamada uga dhintay Dagaaladii Al Shabaab iyo iyaga ee ay kula wareegeen Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sheekh Shaakir waxaa uu Shacabka Deeganadaasi ugu baaqay in ay ilaaliyaan Nabadgalyada dhiiga badan loo soo daadiyey, isagoo Madasha ka cafiyey oo amarna ku bixiyey in Xabsiyadda Maamulkaasi laga siidaayo dadka Danbiyadda fudud galay, Munaasabadda Ducada awgeed.

Dhanka kale Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Nin la sheegay in uu isku miidaamin rabay qeybta ay Mas’uuliyiintu ka joogeen Xafladaasi.

Laamaha Amniga ayaa sheekay Ninka uu qaraxu ku xirnaa inta aysan qaban ka hor in ay ka shakiyeen, islamarkaana ay markii danbe qabteen.

Wararka ka imaanaya Degmadda Guriceel waxaa ay sheegayaan in Ninkaasi loo gudbiyey Xabsiga Magaaladaasi, islamarkaana ay hadda ku socoto Baaritaano kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this