Deeq A. Posted May 23, 2019 Dhoobley (SMN) – Dagaalyahanno Xarakada Al Shabaab ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Diif oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay isaga soo baxeen Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland. Al Shabaab ayaa si nabadoon kula wareegay deegaankan oo 60 KM dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Dhoobley ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in durbaba Al Shabaab halkaasi ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo xoogan. Lama oga illaa iyo hadda sababta ay Ciidanka Jubbaland ay dib uga soo gurteen deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maamihii dambe waxaa gobollada Jubbooyinka ee socdeen howlgallo iyo dhaqaqaaqyo ka dhan Al Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites