Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo 10 Kun Oo Askari Geynaya Bariga Dhexe, Si IRAN Culays Loo Saaro

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Pentagon-ka Maraykanka ayaa Aqalka Cad ka doonayo ogolaanshiyo Kumanaan Askari ugu diro Bariga dhexe oo ay ka jirto Cabsi laga qabo IRAN, sida laga soo xigtay Madax ka mid ah Dawladda Maraykanka.

Election-2020-Pentagon-Spending-1024x576

Pentagon-ka ayaa doonaya inuu illaa 10.000 kun oo Milletariga Maraykanka geeyo Bariga dhexe, waxaanu fasax ka doonaya Aqalka Cad, laakiin illaa hadda ma jiro go’aan kama dambays ah oo arrinkaa lagu fasaxay.

Xogo laga helay Madaxda Maraykanka ayaa sheegaya in aan la garanayn in Aqalka Cad Fasaxi doono 10 kun oo Askari iyo in Qayb ka mid ah tirada la codsaday lagu ogolaan doono kulan dhacaya Khamiista Maanta.

Wargeyska The National oo ayaa sheegaya in ujeeddada Ciidammadan loo doonayo in loo geeyo Bariga dhexe aanay ahayn in loo jawaabo IRAN, balse ay tahay in la taageero Amniga guud ee Mandaqadda Bariga dhexe, waxayna Ciidammadani noqon doonaan kuwo difaaca weerarrada Gantaallada iyo inay hubiyaan in Maraakiibta halkaa marayaan yihiin kuwa IRAN, si loola socdo dhaqdhaqaaqyada IRAN oo kor u sii kacaya.

ka sakow, Ciidammada uu Pentagon-ka codsaday, waxa Maraykanku uu bariga dhexe ugu diray diyaaradaha waaweyn ee wax duqeeya, taasi oo qayb ka ah qorshe uu Maraykanku ku cabsi gelinayo IRAN.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this