Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Xarigga ka Jaray Wadada weyn ee Gaalkacyo, Kormeerayna Xarumo Dowladeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xarigga ka jaray wadada halbawlaha ah ee magaalada Gaalkacayo oo si casriya loo dhisay, isla markaana Kormeeray garoonka Diyaaradaha Gaalkacayo ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale.

Wadada halbowlaha ah ee magaalada Gaalkacayo oo ay dhistay shirkadda wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhererkaagu dhanyahay 2.5km, waxaana uu Madaxweynaha Puntland sheegay in wadada loo dhisay si tayadeedu sarayso oo xirfadaysan, isagoona uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaheeda.

Aad baad u mahadsantihiin dhammaan intii ka qayb qaadatay Dowladda Hoose shacabka reer Gaalkacyo, shirkaddii dhistay oo dhismo qurux badan oo aad u fiican dhistay, sida uu qorshuhu yahay 8km inay dhamystiranto baan rajaynaynaa, waxaana ku talageli doonaa magaladu in jidad wanaagsan hesho”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu kormeeray garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxaa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Garoonka sida dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, Waxaana uu u kuur galay xaladda guud ee garoonka. Madaxweyne Deni si weyn ayuu u amaanay shaqada weyn ee ka socota garoonka, waxaana uu xusay in waxbadan laga qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen masuuliyiintu”.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa ka wabixiyey Kormeerka Madaxweynaha iyo weftigiisa ee Garoonka Kubadda Cagta Cawaale.

“Madaxweyne Deni ayaa la kulmay gudiga gacanta ku haysa dhismaha iyo dayactirka garoonka kubadda Cagta Cawaale, waxaa ay ka warbixiyeen sida ay wax u socdaan, meesha ay wax kasoo bilaabmeen iyo agabka ay haystaan, qorshayaasha u yaalla iyo sida ay wax u dhisayaan. Madaxweyuhu waa indha indheeyey garoonka iyo sida ay wax u socdaan waxaana uu ku bogaadiyey hawsha ay hayaan”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani.

1-4.jpg?w=1000&ssl=1 2-2.jpg?w=1000&ssl=1 3-2.jpg?w=1000&ssl=1 4-3.jpg?w=1000&ssl=1 5-3.jpg?w=1000&ssl=1 6-2.jpg?w=1000&ssl=1 7-3.jpg?w=1000&ssl=1 8-3.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Xarigga ka Jaray Wadada weyn ee Gaalkacyo, Kormeerayna Xarumo Dowladeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this