Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa weriye Cabdullaahi Kulmiye maanta looga celiyey albaabka wasaaradda warfaafinta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta Albaabka hore ee Wasaaradda Warfaafinta laga celiyey inuu gudaha u galo wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo kamid ah wariyaasha waqtiga badan kusoo jiray Saxaafadda, isla markaasna soo shaqeeyey waqti adag oo ay soo martay Saxaafadda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa waxaa bartiisa facebook ku xaqiijiyey isla wariye Cabdullaahi Kulmiye oo soo qoray in saaka ay ilaalada wasaaradda u sheegeyn inuusan xarunta geli karin, maadaama uu amarkaas bixiyey sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla.

Cabdullaahi Kulmiye Caddow ayaa sheegay in inkasta oo amarkaas uu kasoo baxay Al-Cadaalla haddana aysan ciidamada ilaalada heysan waraaq, wuxuuna sheegay inay ciidamada u sheegeyn in arrintaan afka looga sheegay ayna fulinayaan amarkaas.

Shabakadda Caasimadda Online oo baaritaan ku sameysay sababta keentay arrintaan ayaa ogaatay in Cabdullaahi Kulmiye lagu heysto fikrado uu Bartiisa Facebook kusoo qoro oo uu ku dhaleeceeyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow.

Sidoo kale Cabdullaahi ayaa bartiisa Facebook soo qoray warbixino uu dhalaceyn ugu soo jeediyey Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan qeybta SONNA.

Haddaba Cabdullaahi xaq ka u leeyahay in Iridda laga celiyo?

Sida dastuurka dalka uu qabo qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu cabiro fikiriisa shakhsiyadeed isagoo aan qof u gefin ama aan ku xad gudbin sharafta shakhsiyadeed, waxaana muuqato inuu Wariye Cabdullaahi ciqaab ku muteysanayo sababata uu fikirkiisa u cabiray.

Sidoo kale waxaa qalad ah in Shaqaalaha dowladeed laga celiyo iridda, iyadoo aysan jirin dambi ay kusoo oogtay maxkamad ama ana la marin hanaanka lagu saxo qaladaadka ama shaqaalaha lagula xisaabtamo.

Qofka Shaqaalaha ah marka uu qalad galo wuxuu muteystaa ciqaabo kala duwan, balse ma jirto ciqaab ka bilaabato in qofka laga celiyo alabaabka Shaqadiisa, in qof dhan oo soo shaqo tagay  laga celiyo albaabka wasaaradda .

Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in Cabdullaahi Kulmiye Caddoow uu kamid yahay Wariyaasha usoo halgamay Saxaafadda isla markaasna uu naftiisa halis u geliyo inuu shacabkiisa u adeego, waxaana qalad weyn ah in maanta looga tago meel cidlaa isla markaasna loo diido inuu Wasaaradda galo iyadoo aysan jirin fal dambiyeed lagu soo eedeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this