Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax Ka Ogow Qaabka Ay U Tababartaan Goolhayaasha Kooxaha Kubbadda Cagta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shaqada goolhaya ma ahan mid fudud waxa ay ka mid tahay tan ugu adag ay qabtaan dadka bartay xirfadan qubarada ciyaaraha waxa ku sheegaan in goohayaha uu kaalin weyn ay ku lee yihiin ciyaaraha kubbadda cagta.

Sequence-05.00_00_06_04.Still001-300x225

Macalimiinta farsamada u qaabilsan goolhayaasha Xiriirka kubbadda cagta ayaa da’daal badan ku bixinaya horomarinta goolhayaasha dalka,iyagoo tababaro kala duwan siiya dhallinyarada shabaqa u ilaalisa kooxaha kubbadda cagta iyo heerar kala duwan ee xulka Qaranka Soomaaliya.

Sequence-05.00_00_34_21.Still008-300x225

Xasan Faarax Axmed waxa uu ka tirsanyahay macalimiinta inta uga badan tababarka siiya goolhayaasha kubbadda cagta Soomaaliya waxa uu Goobjoog u sheegay in goolhayaasha uu saaranyahay waajib adag maadaam ay kaalin weyn ku lee yihiin isku xirka kooxda oo dhan.

Sequence-05.00_00_30_20.Still007-300x225

Goolhayaasha kooxaha kubbadda cagta oo tababar adag ku sameeya garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan ayaa inoo sheegay in xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu da’daal badan ku bixiyo aqoonta iyo kor u qaadida goolhayaasha si ay ula jaanqaadan dhigooda qaarada Afrika iyo kuwa caalamka.

Sequence-05.00_00_38_01.Still009-300x225

Cabdi Wali ColaadQanyare (Gaatamow) oo horay ugu soo ciyaaray xulka qaranka iyo kooxda Muqdisho City Club ayaa qeexay in goolhayaasha kubbadda cagta ay waqti  kasta la baro wixii ku soo kordhay caalamka iyagana laga rabo wixii lagu tababaray  in ay ku dabaqaan tartamada ay ka qeybgalayaan gudaha Soomaaliya.

Sequence-05.00_00_18_07.Still003-300x225

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarka Goolhayaasha Kooxaha Kubbadda Cagta Soomaaliya

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this