Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin isku qarxin lahaa madaxda Ahlusunna oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa sida la sheegay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku qabtay nin doonayey in uu isku qarxiyo goob ay ka socotay munaasabad ay dhiganayeen Ahlusunna.

Ninka ismiidaaminta doonayey oo ka soo gudbay baaritaannada ayaa gudaha u galay hoolkii munaasabaddu ka socotay oo ay fadhiyeen madaxda u sarraysa Ahlusunna balse waxaa sida la sheegayo u qarxi wayday jaakaddii uu isku miidaamin laha waxana markiiba qabtay ciidanka ilaalinayey amniga goobta.

Ciidanka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay kala furan qaraxyadii ku rakibnaa ninkaasi doonayey in uu isku miidaamiyo hoolka munaasabadda.

Munaasabadda maalinta Shuhadada ay u bixiyeen Ahlusunna ayey ku xusaan dagaal-yahanno kaga geeriyooday dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gobollada dhexe ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Nin isku qarxin lahaa madaxda Ahlusunna oo la qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this