Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin doonayay inuu isku qarxiyo munaasabad ay lahaayeen Ahlusuna oo Guriceel lagu qabtay + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimadda Online) –  Wararka ka imanaya Degmada Guraceel ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka maamulkaas ay qabteen Nin doonayay in uu is qarxiyo.

Ciidamada Galmudug ayaa munaasibad lagu xusayay Askarta Ahlu Sunna uga dhimatay dagaalka Al-shabaab ku qabanayay magaalada xilliga Ninkaas la qabanayay.

Waxaa kulanka ku sugnaa Madaxda ugu sarreysa Ahlu Sunna sida Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, guddoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna, Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo C/Risaaq Maxamed Mire (Ashcari).

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay baaritaanka, waxaana ninkan oo soo galay hoolkii ay fadhiyeen Madaxda uu isku dayay inuu isku qarxiyo, balse ay u qarxi weyday, waxaana isagoo jaakadii qaraxa u xirneyd la xarbinayay ka hortagay Ilaalada Ahlusuna oo isku duubay, garba duubna u xiray.

“Nin ordayey oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa laga qabtay mar uu ku dhawaaday goob madaxda gaariga ka raacayeen kadib markii Munaasabadda Shuhadda ay soo idlaatay,basle askari naftiisa huray ayaa ku booday ninka doonayay in uu is qarxiyo ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay ninkan ka fureen jaakadii qaraxa uu xirnaa, isagoo laga saaray goobtii uu doonayay inuu isku qarxiyo

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Ahlusuna oo ninkan ku hareereysan, isla markaana gacmaha iyo lugaha ka hayay.

Ahlusuna ayaa sanad walba 17-ka Ramadaan waxay qabtaan Munaasabad ay ugu magac dareen Maalinta Shuhadada oo ay ku xusaan dagaalyahanadii uga geeriyootay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab 10 sano ka hor.

4-51-1.jpg 3-61.jpg 2-69.jpg 1-70.jpg 4-51.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this