Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Ka Cadhooday Go’aan Uu Marekanku Dul-dhigay Dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Xukuumadda Moscow ayaa cadho ka muujisay wakhti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot.

2019523636941760251053407turkey_usa_flag

Ruushka ayaa tallaabada ku tilmaamay waxaan la aqbali karin,iyaga oo marka ka jawaabay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabto, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO.

Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin.

“Tani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono”. sida waxaa yidhi afhayeenka aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka, Dmitry Peskov.

Wasiirka difaaca Turkey ayaa Arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xiriira iibsashadeeda habka S-400.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this