Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Maraykan Ah Oo Damcay In Uu U Galmoodo Xaaskiisa Oo La Xidhay Iyo Sababta Loo Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Mississippi)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in isaga oo sakhraansan uu tacaddi u gaystay xaaskiisa, isaga oo qoonsaday in ay wakhti dheer ku qaadatay in ay dharka iska bixiso markii uu damcay in uu u galmoodo.

fdc33940-7650-4ac1-a5c3-ce91a51c5506.jpg

Doug McLeod oo 58 jir ah ayaa la xidhay habeenkii Sabtidii, isaga oo loo haysto in uu ku xadgudbay xaaskiisa.

Xubnaha ay xisbiga Jamhuuriga ka wada tirsan yihiin ee gobolka ayaa ku baaqay in McLeod uu si degdeg ah isu casilo haddii eedaymaha loo soo jeedinayo ay run yihiin. McLeod oo ah aabo saddex carruur ah dhalay ayaa diiday in uu durba u jawaabo, ka dib markii ay BBC-du la xidhiidhay.

Booliisku markii ay tageen gurigiisa oo ku yaalla Lucedale oo 240km u jira caasimadda gobolka ee Jackson, waxay arkeen in McLeod uu sakhraansan yahay, dhalo khamri ahna gacanta ku haysto, sida ku cad warbixinta rasmi ah ee masuuliyiinta, sida uu soo xigtay wargeyska Sun Herald.

Waxaa la sheegay in marka McLeod la kaxaynayay uu hadalka kari la’aa “tallaabadana uusan si fiican u qaadi la’aa”.

Markay booliisku u sheegeen in loogu yeeray tacaddi uu gaystay waxaa la sheegay in uu yiri “Miyaad igu ciyaaraysaan”. Wargayska Clarion Ledger ayaa sheegay in marka ay askartu tagtay guri xildhibaanka ay ugu tageen xaaska McLeod iyo haweenay kale oo guriga ku dhex jira cabsina ay ka muuqato.

Haweenayda kale ayaa booliiska u sheegtay in ay qolka ugu soo gashay xaaska McLeod oo wajiga ka dhiigaysa.

Qolkii ayay hoosta ka xidheen wuxuuna billaabay in uu ku garaaco albaabka, isaga oo ku hanjabay in uu nafta ka qaadi doono haddii ayna albaabka ka furin.

Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay in uu gabadha sanka ka feedhay, uuna qoonsaday in ay durba dharka iska bixinwayday markii uu damaaciyay.

Warbixinta booliiska ayaa sheegaysa in dhiig lagu arkay sariirta iyo qolka jiifka ee qoyskaas.

Xaaska ayaa sheegtay in ayna u baahnayn gawaadhida gurmadka degdegga ah, gabadheeduna ay cisbitaal gayn karto si ay dhakhtar u aragto. McLeod ayaa lagu sii daayay damaanad 1,000 doolar ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this