Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ingiriiska Oo Ku Baaqday In Deg Deg Loo Soo Magacaabo Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Arrimaha Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Uk u jooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya ,xilli ay ka hadleysay kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen Arrimaha dalka Soomaaliya.

1558600710b79b8.jpg

Tallaabadaan ayaay ku sheegtay in looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, isla markaana Soomaaliya ay xilligaan ku jirto waqti adag oo u baahan in laga gudbo.

Danjiraha Dowladda Britain u joogta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Karen Pierce ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa ay ugu baaqday inay xooga saaraan dhinacyada, Amniga, xasilooni Siyaasadeed iyo mid dhaqaale kana faa’iideysato fursadaha jira.

Sanadka soo socda ayay sheegtay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay,isla markaana lagu kala ogaan karo in marka la gaadho sanadka 2020/2021 ay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay balan qaadeen.

Si kastaba hadalkaan kasoo yeedhay dowladda Uk ayaa kusoo aadaya xilli mudo laga joogo in ka badan 5 Bilood ayna Soomaaliya wax Wakiil ah u joogin Qaramada Midoobay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ceydhisay Wakiilkii xiligaas ee Danjire Nicholas Haysom.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this