Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ka dhacay Ceel Afweyn iyo malayshiyaad isku horfadhiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in malayshiya-beeleed hubaysan ay saaka isku horfadhiyaan degmada Ceel Afweyn ee gobolkaasi Sanaag.

Xiisad u dhexaysa laba beelood oo marar hore halkaasi ku dagaallamay ayaa sida la sheegayo dib u soo laabatay kadib markii malayshiya-beeleed hubaysan ay xalay dad shacab ah ku weerareen nawaaxiga degmada Ceel Afweyn.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkii xalay oo ay geysteen malayshiyaad ka soo jeeda mid kamid ah beelahaasi balse weli xog sugan lagama hayo.

Malayshiyaadka labada beelood ayaa hadda isku horfadhiya togga lagu magacaabo Masle oo dhow degmada Ceel Afweyn waxaana laga qabsi qabaa in dagaal halkaasi ka qarxo.

PUNTLAND POST

The post Weerar ka dhacay Ceel Afweyn iyo malayshiyaad isku horfadhiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this