Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmadda Howlwadaag oo guul ka gaartay tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

 Muqdisho (SMN): – Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa Xalay usoo baxdey wareega 8 dhamaadka Tartanka Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle kadib markii ay xalay tartanka oo lagu gudajiray iskaga baxdey Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, sababo laxiriira Isgaarsiinta ay kala socdeen oo go’day.

Gudiga Tartanka oo isku dayey in uu sameeyo xal ay Tartankooda kusii wadan karaan inta ka harsan Tartamayaasha labadda Degmo ayeysan u suurta galin, maadama ay Baraawe garwaaqsatay in dhibcaha laga horeeyo.

Gudoomiyaha Gudiga Tartan Aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle ayaa ku dhawaaqay Natiijadii Xalay ee Tartanka

Degmadda Howlwadaag oo labaddii kulan ee hore tartanka guul ka gaartay ayaa hadda usoo gudubtay wareega 8 dhamaadka tartanka.

Caawa waxaa fooda isdari doona Tartamayaasha Degmooyinka Hodan iyo Kaxda oo kawada tirsan Groupka A waxaa ayna Degmaddii soo baxda wareega 8 dhamaadka kula midoobi doonta Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this