Deeq A. Posted May 23, 2019 Muqdisho (SMN): – Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa Xalay usoo baxdey wareega 8 dhamaadka Tartanka Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle kadib markii ay xalay tartanka oo lagu gudajiray iskaga baxdey Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, sababo laxiriira Isgaarsiinta ay kala socdeen oo go’day. Gudiga Tartanka oo isku dayey in uu sameeyo xal ay Tartankooda kusii wadan karaan inta ka harsan Tartamayaasha labadda Degmo ayeysan u suurta galin, maadama ay Baraawe garwaaqsatay in dhibcaha laga horeeyo. Gudoomiyaha Gudiga Tartan Aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle ayaa ku dhawaaqay Natiijadii Xalay ee Tartanka Degmadda Howlwadaag oo labaddii kulan ee hore tartanka guul ka gaartay ayaa hadda usoo gudubtay wareega 8 dhamaadka tartanka. Caawa waxaa fooda isdari doona Tartamayaasha Degmooyinka Hodan iyo Kaxda oo kawada tirsan Groupka A waxaa ayna Degmaddii soo baxda wareega 8 dhamaadka kula midoobi doonta Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir View the full article Share this post Link to post Share on other sites