Sign in to follow this  
Deeq A.

Qasaaraha qaraxii shalay oo sii kordhaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): – Waxaa sii kordhaya tirada dadka wax ku noqday qaraxii maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, iyadoo xogihii u dambeeyay ay sheegayaan in tirada dhimasho ay gaartay 12qof, dhaawacuna uu intaa ka badan yahay.

Dadka ku dhintay Qaraxaasi waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha dibada ee dowladda federaalka Xuseen Ceelaabe Faahiye, waxaana geeridiisa ka taciyeeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

“Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay Wasiir hore Xuseen Ceelaabe Faahiye oo maanta inaga shahiiday. Waxa uu muddo dheer u soo adeegay dalka iyo dadka. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo”

Qaraxan oo ay masuuliyadiisa sheegatay Xarakadda Alshabaab ayaa wuxuu ka dhacay Bar Kontorool oo ciidamo ay ku lahaayeen afaafka xabsigii hore ee Godka Jilicow ee degmadda Boondheere ee Muqdisho.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibada ee Federaalka Axmed Ciise Cawad iyo howlwadeenada Wasaaradda ayaa ka taciyeeyay Geerida Wasiir Ceelaabe

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this