Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahino kasoo baxaya dilal ka dhacey Degmadda Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil xalay  kooxo hubeysan  degmada Dharkeenleey ay ugu geysteen  laba qof oo la sheegay inay ahaayeen dad Shacab ah.

Dadka Deegaanka  ayaa shabelle u xaqiijiyay  Rag ku hubeysnaa Bastoolado inay agagaarka Xaaji gaabow ee degmadaasi  ku dileen Laba Ruux oo wada socday,kuwaaas oo mid ka mid ah ay aheyd haweeneey.

Dableyda dilka geysatay ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxsadeen Goobta uu dilku ka dhacay.

Sidokale Dadka deegaanka waxaa ay Radio shabelle u Sheegeen in labada qof ee  la dilay,ahaayeen Ganacsato aad looga yaqaano degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamo gaarey goobta dilka ayaa baaritaano sameeyay

Idaacadda Shabelle oo la xiriirtay Maamulka Degmadda Dharkenley ayeysan u suurtagalin in ay hesho macluumad dheeraad ah oo ku saabsan dilalkaasi.

Dhinaca majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this