Deeq A. Posted May 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Inkabadan 10 qof ayaa Ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax Gaari oo uu la socday Nin isi soo miidaamiyay oo ka tirsanaa Al Shabaab. Gaariga Qarxay ayaa lagu dhuftay Kolonyo ay la socotay Gaashaanle Faay Cali Raage oo loo maleynayo in Bartilmaameedka weerarku iyadu ahaa , waxaana weerarku dhacay xilli Ciidamo ku sugnaa Kontaroolka Daljirka daahsoon ay xaqiijinayeen Aqoonsigeeda. Waxaana ku dhintay weerarka sida ilo Goob Joogayaal ah Shabelle u xaqiijiyeen Gaashaanle , Faay Cali Raage , Seygeeda oo isna Milatariga Somalia ka tirsanaa iyo ilaaladii la socotay , oo uu ka badbaaday kaliya Askari ay u dhiibtay ID-geeda si uu ugu geeyo ciidamada Kontaroolka ku sugan ayna u xaqiijiyaan. Sidoo kale waxaa Qaraxaasi ku dhaawacmay Xildhibaan Shabeel oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo meesha wax ka dhaceen ka ag dhawaa. Waxyeelada ugu badan qaraxaasi ayaa waxaa ay ka soo gaareen dad shacab ah oo degan Dhismihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka kuwaas oo ah Barakacayaal. War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaabayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii maanta “Al Shabaab ayaa weerar Ismiidaamin ah ku beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil,xildhibaanno iyo madax katirsan DFS oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira Khasaaro soo gaaray Masuuliyiintaasi” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al Shabaab. Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxaasi oo uu sheegay in lala beegsaday dad barakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey ehellada ay dadkoodu waxyeeladu ka soo gaartay weerarkaasi waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo. Sidoo kale wasiirka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada xoogan ee Al Shabaab ay ka fuliyaan M/ Muqdisho, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin ka hortaga weeraradaasi. Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jiraan Xarakada Al Shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono dagaalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites