Deeq A. Posted May 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Labadani degmo ayaa ku wada jira Group-ka A is araga saddexaad ee degmooyinka oo caawa la guda gelayo. Howlwadaag iyo Baraawe ayaa tartamadii hore muujiyay dadaallo xoogan, waxaana ay ka soo hooyeen natiijooyin wax ku ool ah. Degmada Howlwagaag labadii kulan ee la soo dhaafay waxa ay ka soo badisay Kaxda iyo Hodan, waxaana taasi ka dhigan tahay in marna aan dhinaceeda dhulka la dhigin. Sidoo kale degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose labadii kulan ee u dambeysay waxa ay guul ka gaartay dhiggeeda Hodan, marana waxaa ka soo badiyay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Waa labo degmo oo magac iyo miisaan ku leh tartanka aqooneedka Shabelle, balse waxaa laga dhowr sugi doonaa cida caawa hantin doonta guusha. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa abaal marin qaali ku bixinaya shirkada Ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites