Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Gaalkacayo Ku Qaabilay Madaxweynaha Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo ku qaabilay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale kulanka kadib waxaa qabsoomaya shir laba geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ee Puntland iyo Galmudug. Shirka waxaa laga soo saari doonaa war-Murtiyeed ku salaysan waxyaabaha muhiim ka ah ee laga wadahadlyo.

FB_IMG_1558523350185.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1558523341004.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1558523335090.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1558523323075.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1558523323075-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1558523317075.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1558523312557.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1558523305028.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Gaalkacayo Ku Qaabilay Madaxweynaha Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this