Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhashay qarax gaadhi loo adeegsaday oo maanta barqadii lagu dhuftay Koontarool Ciidamada NISA ay ku leeyihiin nawaaxiga Godka Jilacow.

155851360582605.jpg

Dadka goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay inay arkeen dhimashada illaa Shan qof oo askar u badan, kuwaasi oo yaalay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Dadka dhintay waxaa ku jiray Sarkaalad lagu magacabo Faay Cali Raagge iyo Saygeeda oo wada socday, islamarkaana gaadhi ay saarnaayeen goobtaasi maraayay.

Sidoo kale askar ka tirsan Ciidammada dowladda ayaa ku dhintay qaraxaasi, kuwaasi oo qaarkood la socday ama ilaalo u ahaay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warar aanan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaasi oo gaadiidkii ay la socdeen meesha uu taagnaa xilliga qaraxa uu dhacaayay.

Qaraxan gaadhiga loo adeegsaday ee maanta barqadii ka dhacay Muqdisho, ayaa ku soo aadaya iyadoo ammaanka Magaalada si wayn loo adkeeyay, islamarkaana Ciidamada amniga ay ku jireen xaalad feejignaan Sare ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this