Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin qasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Koontarool Ciidamadda Dowlada ay ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon, Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 5-ruux oo kala ah askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad barakacayaal ah oo daganaa kaamam ku dhow Taalada Daljirka Daahsoon.

Askarta qaraxaan ku dhintay waxaa kamid ah Faay Cali Raage, oo ahayd Sarkaal sare oo ka tirsaneyd ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la sheegay in wadatay gaari Cabdile ah xiliga uu qaraxa ka dhacay goobta waxaa la sheegay in seeygeedii uu la dhintay.

FB_IMG_1558516677480.jpg?w=1000&ssl=1

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay In qaraxan ay ka badbaadeen laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah Xildhibaan Maryan Cariif iyo xildhibaan C/kariin Shabeel, Xildhibaan Shabeel waxa soo gaaray dhaawac fudud,halka Maryan Cariir ay ku weeysay askari ilaalo u ahaa.

Puntland Post

The post Faah faahin qasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this