Deeq A. Posted May 22, 2019 Qarax xooggan oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay nawaaxiga Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari, wuxuuna ku qarxay koontarool ku dhow xarunta godka Jilacow dhanka Taalada Daljirka Daahsoon, sidey inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, iyadoo ciidamadii halkaasi joogay ay rideen rasaas badan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites