Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax xooggan oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay nawaaxiga Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari, wuxuuna ku qarxay koontarool ku dhow xarunta godka Jilacow dhanka Taalada Daljirka Daahsoon, sidey inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, iyadoo ciidamadii halkaasi joogay ay rideen rasaas badan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this