Deeq A. Posted May 22, 2019 Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay kooxo hubeysan ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarkan ayaa waxaa dabley ku hubeysnaa Bistoolado ay ku qaadeen Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo xilligaasi la socday Gaari nuuca raaxada ah. Ugu yaraan halka Askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaarke Axmed Waabari, kaas oo ka mid ah Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland. Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi, balse waxaa dhacdada kadib Ciidamada Boolisku howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites