Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay M/ Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay kooxo hubeysan ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarkan ayaa waxaa dabley ku hubeysnaa Bistoolado ay ku qaadeen Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo xilligaasi la socday Gaari nuuca raaxada ah.

Ugu yaraan halka Askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaarke Axmed Waabari, kaas oo ka mid ah Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi, balse waxaa dhacdada kadib Ciidamada Boolisku howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this