Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qaraxan oo inta badan jugtiisa laga maqlay M/Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka taallada Daljrka Daah-soon ee degmada Boondheere.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu weeraray bar koontarool oo ku taalla halkaasi.

Sidoo kale Gaariga qarxay ayaa waxaa dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in lagu dhuftay Cabdi Bile ay lahaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Khasaare kala duwan ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad xoogan oo ay fidinayaan gaadiidka Ambalaasta.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this