Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda UK oo digniin kasoo saartay Todobo magaalo oo ku taala Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Ingiriiska ayaa digniin kasoo saartay magaalooyin badan oo ku yaala dalka Kenya, kuwaasi oo la sheegay inay ka jiraan xaalado qatar ah, iyadoo muwaadiniinta UK looga digay inay u safraan magaalooyin dhowr ah oo Kenya ku yaala.

Dowladda UK ayaa shaacisay inay digniintaasi ka dambeysay kadib markii ay kordheen weerarada Ururka Al Shabaab ay ka geystaan  gudaha dalka Kenya gaar ahaan Afduubka ay u geystaan dadka ajaaniibta.

Bishii November ee sanadkii hore waxaa Kenya laga afduubtay Haweeney u dhalatay Talyaaniga, iyadoo 12-kii Bishii April ,waxaa Mandheera lagu afduubtay labo Dhaqtar oo u dhashay Dalka Cuba.

Iyadoo digniintaasi ay soo saareen dowladda UK ayaa haddana dowladda Kenya waxay shaacisay inay socdaan dadaaladii ugu dambeeyay oo ay kusoo furanayaan dadka ajaaniibta ah ee la afduubtay.

Dowladda UK ayaa warbixinteeda dhinaca amaanka ku sheegtay in Magaalooyinka kala ah; Nairobi, Mombasa, Malindi, Narok, Naivasha, Nanyuki iyo Meru.

Dowladda Ingiriiska ayaa uga digtay muwaadiiniinteeda in ay ku dhex safraan gudaha Kenya halkaas oo ay ka dhici karaan weerarro argagixiso,afduub dil ku dambeeya iyo weerarro kale.

Arintaan ayaa waxay niyadjab ku riday waaxda Dalxiiska dowladda Kenya, waxaana waaxda dowladda Kenya ay sheegtay inay digniintaasi aysan dhayalsan doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this