Deeq A. Posted May 22, 2019 Wararka ka imaanaya degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay maanta ka taagan tahay xiisad u dhaxeysay Labo beel oo halkaa wada dega. Xiisaddan ayaa si gaar ah ugu dhaxeysa dad xoolo dhaqato ah, iyadoo xaaladdu ay kasii dartay kadib markii deegaan ku dhow Golodob lagu dilay nin xoolo dhaqato ah. Is rasaaseyn kooba ayaa dhex martay Maleeshiyaadkan, iyadoo weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Waxgarad ayaa durba bilaabay iney isku dayaan kala dhexgalka beelahan si aanu dagaal kale u dhicin. Labadan beel ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay halkaasi, iyadoo aanay jirin heshiis rasmi ah oo la kala dhex dhigay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites