Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Weerar Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay habeenkii xalay ahaa ay rag hubeysan ku qaadeen gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee dowlad goboleedka Puntland.

Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana raggan ay rasaas ku fureen gaarigan, iyadoo halkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey Hal askari ayaa weerarkan ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay Labo kale, iyadoo goobta ay isaga baxsadeen raggii weerarkaasi ka dambeeyey.

Ciidamada Puntland ayaa maanta waxa ay howlgallo ballaaran ka wadaan xaafadaha ku dhow halkii uu xalay weerarkaasi ka dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this