Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in xalay fiidkii hore weerar lagu qaaday goob maqaaxi oo ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

WeerarkaN oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa waxaa uu ka dhacay afafaaka hore xarunta maamulka degmada Kismaayo, gaar ahaan maqaaxi lagu qaxweeyo oo ku taalla halkaasi.

Xilliga uu weerarka dhacayay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay ku sugnaayeen Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland iyo Xubno kale.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay illaa saddex Qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib baaritaano kooban Ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadad hoose.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Jubbaland oo ku aadan weerarkaas iyo howlgalkii xigay intaba.

Al Shabaab oo ku xoogan Jubooyink aya ainta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku fuliyay gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this