Deeq A. Posted May 22, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka shaaca ka qaaday in dib u habeyn ballaaran uu ku sameyn doono Ciidamada Booliska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug . Madaxweyne Deni ayaa xusay in Ciidamadaasi la qalabeyn doono, islamarkaana dib u dhis lagu sameynayo xarumaha ay ku leeyihiin magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha lagu xaqiijinayo amniga Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi. Labadii cisho ee la soo dhaafay Madaxweynaha Puntland yaa ku sugnaa M/Gaalkacyo, isaga oo ka bilaabay kulamo looga hadlayo nabadda dib u heshiisiinta gobolka Mudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites