Deeq A. Posted May 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Xamar Jajajab ayaa xalay guul taariikhi ah u soo heysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka adkaatay degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Labada degmo ayaa ku wada jiray Group-ka D ee is araga labaad wareega koowaad tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Degmada Xamar Jajajb oo guusha la hoyatay ayaa la timid dar dar xoogan, waxaana tartamayaasheedu ay muujiyeen juhdi iyo dadaal dheeri ah. Todobo su’aal oo la weydiiyay ayaa waxa ay ka jaawabeen afar ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen afar kale, sidaasina waxa ay ku heleen 16 buundo. Sidoo kale Afgooye oo la weydiiyay 7 su’aal ayaa waxa ay ka jawaabtay labo ka mid ah sidoo kale waxa ay fa’iideysteen labo kale, waxaana ay heleen 6 dhibcood. Tartanka bisha Ramadaan ayaa haatan maraya meel xiiso badan, waxaana caawa la guda gali doonaa is arag saddexaad wareega 1-aad ee degmooyinka. Lugta ugu horreysa waxaa caawa isaga hor imaan doono degmooyinka Baraawe iyo Howlwadaag oo kala matali doono gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites