Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo diyaarisay qorshe looga hortagayo Abaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) -Wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maareynta muusiibooyinka XFS C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay qorshe loogu gurmanayo dadka, haddii ay abaaro kale ay ka dhacaan gudaha dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay diyaariyeen guddi ka kooban 9 xubnood oo ka tirsan wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya iyo kuwa gargaarka ee maamul goboleedyada.

Waxaana uu tilmaamay in dhammaan loo diyaar garoobay in la’iska kaashado u gurmashada iyo ka hortaga maareynta musiibooyinka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan QM ay ka digtay in mar kale Soomaaliya ay ka dhacaan abaaro baahsan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this