Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha shacabka oo kulan ku leh magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xubnaha golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in Muqdisho ay ku yeeshaan fahdiga 17-aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ee golahaasi.

Kulankan ayaa waxa uu qorshuhu yahay in Xildhibaanadu akhrinta koowaad ay marsiiyaan sharciga Iibka Qaranka.

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay galaan fasax kooban wixii ka dambeeya kulanka maanta, maadaama la guda geli doono 10 dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan iyo maalmaha Ciida.

Isniintii la soo dhaafay Wakiilada shacabka Soomaaliyeed ayaa meel mariyay sharciga Batroolka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this