Sign in to follow this  
Deeq A.

DAAWO: Al-Shabaab oo soo bandhigay sawirrada weerarkii Baar Sanguuni

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo sawirada weerar ismiidaamin u bilowday oo ka dhacay saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkaasi ayaa ahaa mid ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana kadib xigay rasaas ay ridayeen koox ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Baar Sanguuni.

Muuqaalka waxaa ka muuqanaya askar ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo lagu qabtay dagaalka iyo waxyeelada ciidamada maamulka Jubbaland kasoo gaartay weerarka muddada saacadda ku dhow ka socday saldhiga Baar Sanguuni.

Waxaa sidoo kale Muuqaalka ay Al-Shabaab kusoo bandhigeen maxaabiista iyo rasaas ay kala baxeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni, iyadoo kadib ay dib kaga baxeen.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro sidaasi oo kale ah ku qaaday saldhigyo badan oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

photo_2019-05-20_12-43-32.jpg photo_2019-05-20_12-45-55.jpg photo_2019-05-20_12-45-59.jpg photo_2019-05-20_12-45-55-1.jpg photo_2019-05-20_12-48-56.jpg photo_2019-05-20_12-49-00.jpg photo_2019-05-20_12-49-09.jpg photo_2019-05-20_12-49-13.jpg photo_2019-05-20_12-49-19.jpg photo_2019-05-20_12-49-40.jpg photo_2019-05-20_12-49-44.jpg photo_2019-05-20_12-45-23.jpg photo_2019-05-20_12-49-40-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this