Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Khasaaraha kala gaaray ciidamada Puntland iyo Somaliland ee ku dagaallamay Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal gelinkii dambe ee shalay ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degaanka lagu magacaabo Damalla Xagarre oo ku yaalla koonfurta gobolka Sanaag.

Dagaalka oo bilowday kadib markii ciidamada Somaliland weerar ku kedis ah ku qaadeen wefdi uu hoggaaminayey wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labadii dhinac ee dagaallamay ah.

Ilo’ kala duwan oo warbaahinta Puntland Post la hadlay ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen 4 askari oo labada dhinaca halka ay ku dhaawacmeen 6 askari oo kale balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawacyadu intaas ka badan yihiin.

Wefdiga wasiirka Waxbarashada Puntland ee la weeraray ayaa kormeer ku samaynayey imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo ka socda degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag sida ay sheegeen xubno la socda wefdigaasi.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin: Khasaaraha kala gaaray ciidamada Puntland iyo Somaliland ee ku dagaallamay Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this