Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Oo Ka Hadashay Mas’uuliyiinta Ka Tirsan Dawladda Soomaaliya Oo Loo Diiday VISAHA Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Kenya Amp Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in aanay ka warqabin mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo loo diiday inay Isniintii shalay ay galaan magaalada Nairobi.

106638370_monicajuma.jpg

Ms Juma ayaa sheegtay in ay Muhiim tahay in Mas’uuliyiinta ay soo qaataan dal ku galka ka hor inta ayna Safrin.

Waxay tidhi waan safarnaa waxaana ka qaadanaa dal ku gal ka haddii aanad wadanin wey kugu adkaan inaad inaad Safarto.


Ugu danbeyn waxay sheegtay in ay aad ula yaabtay markii ay maqashay in mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya looga celiyay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta dal ku gal la’aan kuwaasi oo ugu dambeyn salaasadii saaka ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this