Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalkii ka socday Damalla Xagarre oo istaagay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaanka Damalla Xagarre ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in uu hadda istaagay dagaal galabta halkaasi ku dhexmaray ciidamada Somailand iyo ciidamo Puntland oo galbinayey wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Somaliland oo ka yimid dhinaca degmada Yubbe ay weerar ku soo qaadeen wefdiga wasiirka oo marayay nawaaxiga degaanka Damalla Xagarre ee isla gobolkaasi Sanaag iyadoo labada dhinac ay in ka badan 30 daqiiqo halkaasi ku dagaallamayeen sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadii Somaliland ee weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen dhinaca degmada Yubbe halka wefdigii wasiirka Puntland ay hadda joogan degaanka Damalla Xagarre balse waxaan weli xog sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalla labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Dagaalkii ka socday Damalla Xagarre oo istaagay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this