Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa siyaasad beydgaabnimo ah in hadba koox,masuulyiin xukuumaddeed ama xisbiyo lagu eedeeyo inay u janjeedhaan aragtida aaminsanaanta Soomaaliweyn.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa tan iyo ololohii doorashooyinka soo rogaal celiyay eedihii ay la kulmi jireen xukuumadihii Maxadweynayaashii Cigaal,Rayaale iyo xiligii uu xisbiga Kulmiye ololaha ku jiray oo masuuliyiintii xukuumaddii Rayaale ay labada gacmood ee astaanta u ah ku macnayn jireen mid lagu baadi goobaayo midnimadii fashilantay ee aynu Soomaaliyada Muqdisho la galay.
Dooda noocan ah ayaan wax faa’ido ah u lahayn qaranka ay siyaasiyiintu isku haystaan hogaamintiisa, waxana inta badan erayadan oo farxad gelinaaya madaxda dalkii aynu kala tagnay ee Soomaaliya isticmaala hadba dhinaca u arka in laga xawli sareeyo, si ay bulshada reer Somaliland uga shaki geliyaan.
Dhabahaantii xifaaltanka dhexdeena waxa ka horeeya in shacabweynaha reer Somaliland ay garowsadaan in dedaalka aynu dhexdeena ku bixinayno is eedaynta ay markhaati cad u tahay dooda dhinaca kale ee Soomaaliya inaga soo wajahaysa ee ah in shacabka Somaliland ay u afduuban yihiin kooxo siyaasiyiin ah oo ay kala maqnaashuhu dani ugu jirto.
Marka fagaarayasha caalamiga ah laysla tago oo ay Kooxda Xamar hordhigto bulshada caalamka wasiirka Arrimaha gudaha JSL Maxamed Kaahin oo ay hareero taagan yihiin Janandii ciidamada oo warbaahinta u sheegay in calankii xidigta cad ee shanta geesood lahaa lagu dhex iibinaayo oo boolisku xoog kaga soo guraayo dadka hoosta ku haysta maxay kula tahay in ay Somaliland ka faa-ideyso oon ahayn in aduunku u arko in madaxbanaanida aynu ku dhawaaqnay loo arko mid aan laysku wada raacsnaayn.
Waxaan marnaba la dafiri karayn in dhul aad u baldhaan oo aanu maamulka dawliga ahi gaadhsiisnayn oo bariga dalka ahi aanay dadka degani marna qalbiga u sii deyn jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland, halkii ay ahayd inaynu ka shaqayno fursad kasta oo ay ummaddaasi laabta ugu sii deyn karaan jiritaanka Somaliland, Bal ka waran hadaynu kuwii dhiigooga u soo qubay aynu subax walba kala shaki gelinayno oo ay maanta muuqato in badan oo lagu cariyay inay danba u arkeen in ay waajib tahay in inta sokeeyuhu isku muuqmuuqan lahaa badweynta laga soo wada cabo,goor dhaw hayska soo noqoto “xunyahow, xunku dhalaydii”. boqolaalku inagaga shihiideenee.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan gaar ugu sheegayaa Kornaylada hantiyay taladii dalka inay sare uga koraan siyaasadoodii kaadh ka gubista ahayd oo ay isku arkaan inay maanta iyaga saaran tahay inay la yimaadaan aragti siyaasadeed oo wiil ka wiil sii xoojisa xorriyaddii ay u soo halgameen, iyaga iyo rag badan oon ka helin magaca iyo dheefta ay maanta ku hayaan oo ay ka guuraan siyaasadan gaaban ee ummadda loogu kal yeelaayo qaar aan aaminsanayn jiritaankooda iyo kuwo ay dhiigooda xushan tahay, haddii midnimada dadku shacabku meesha ka baxdo waxa hubaal ah in aanu askari qori sitaa xadhko ku hayn dooninee dadka niyada iyo qalbiga halaga dhiso

Mustafe Shiine

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this