Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Xaaf oo kulan ku leh M/ Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Gaalkacyo (SMN) – Madaxweyneyaasha maamullada Galmudug iyo Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulankan ayaa diirada lagu saari doonaa xaaladda Mudug iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda gobolkaasi.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadli doono arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Xaaf oo maanta gaaray Gaalkacyo ayaa ayaa  sheegay in kulanka uu la qaadanayo dhiggiisa Deni ay ka soo saari doonaan War Murtiyeed.

Labada maamul oo daris ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriiy xoogan iyo wada shaqeyn ku aadan nabad galyada gobolka ay wadaagaan ee Mudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this